top of page
Søk

Kalfadhigii 2aad, kulankiisa 3aad oo la isugu yimid Moss.( Xil la wareegid ) .

  • sarpsborgsomaliske
  • 2. des. 2019
  • 1 min lesing

Waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 01.12.2019 la isugu yimid kulankii Jaaliyadaha Sarpsborg. Fredrikstad, Moss iyo Ururka Dhallinyarada Hoayo. Kulanka oo meerto ah ayaa lagu qabto magaalada Moss, waxaana loo marti ahaa Gudiga Jaaliyada Moss. Kulankaan oo lagu soo gabagabeenayey diyaarinta dallada guud ( Horseed Velferdsforening ) ee jaaliyadaha kor ku xusan. Caawa waxaa xilka iyo howshaba lagu wareejiyey gudiga cusub ee dallada Horseed Velferdsforening. Sidoo kale gudiyada jaaliyadahuna waxay warbixino iyo dardaaran buuxa siiyeen gudoomiyaha cusub ee dallafda iyo xubnaha la shaqeyn doonaba. Waxaana ugu dembeyn lagu heshiiyey go’aamadaan hoos hoos ku qoran :-

  1. Gudigu waxay u madax banaan yihiin howshooda laga bilaabo caawa.

  2. Gudigu waxay diiwaangelin doonaan magaca dallada oo ah Horseed Velferdsforening.

  3. Gudigu waxay sameysan doonaan whatsup guud oo ay ku kala war qaataan.

  4. Gudiyada jaaliyadaha Sarpsborg. Fredrikstad, Moss iyo Ururka dhallinyarada Hoayo, iyagoo la kaashanaya xubnaha guud ( bulshoweynta ) ee jaaliyadahaas, waxay gacan buuxda ka siin doonaan gudiga cusub sidii ay ugu fududaan lahaayeen howshooda.

  5. Waxaa loogu duceeyey in Ilaahey u sahlo waajibaabkooda.

Wabilaahi Towfiiq. Cabdulqadir Xirsi Xuseen.


 
 
 
bottom of page