top of page
Søk

Wareegga 2aad ee kulanka gudiyada Jaaliyadaha Sarpsborg, Fredrikstad, Moss iyo Ururka dhallinyarada

  • sarpsborgsomaliske
  • 13. okt. 2019
  • 2 min lesing

Waxaa kulankoodii 1aad ee gudiyada jaaliyadaha kor ku xusan ee wareegga 2aad shir guud isugu yimaadeen galabta oo ay taariikhdu ahayd 12.10.2019 ka Lookaalka Jaaliyada Somalida Sarpsborg. Kulamadaan oo horay horumar iyo wax wada qabsi u sameeyey ayaa kulankaan dembe looga wada hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa wada shaqeynta guud.

Dood iyo warbixino dheer ka bacdi, waxaa lagu go’aamiyey oo la isla wada qaatay qodobadaan guud in laga wada shaqeeyo, teeda kalana wixii waayo aragnimo la is dheer yahayna si gaar ahaaneed Jaaliyaduhu iska caawiyaan. Qodobada guudna waa :--

  1. Xafladaha guud ee maalmaha Xoriyada iyo Midowga Somaaliya oo sanadkiiba komuun lagu qabto si wareegto ah, iyadoo loo diyaar garoobayo kharashka guud, ka qayb qaadashada howlaha guud, iyo soo diyaarinta progaraamada maalintaas guud ahaan.

  2. Mashruuca loo yaqaan Fosterhjem iyo Daryeelka Caruurta. Waxaa in badan dhacda in caruur Soomaliyeed loo waayo waalidiin heysa marka hay’adda caruurta baafiyaan. Tani waxay ku dhacdaa waalidiinta oo aan heysan tababar laga qaato hay’adaan oo loo yaqaano ( Fosterhjem kurs ), sidii looga hortegi lahaa in caruurta loo dhiibo qowmiyad kale.

  3. Dhiirigelinta iyo ka qayb qaadashada howlaha Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka ee ilays oo jaaliyadahu keenaan wiilaal iyo gabdho si joogto ah uga qayb qaata tababarada iyo in laga wada shaqeeyo daryeelka iyo dharka hidaha iyo dhaqanka ee kooxda iyo teeda kale dhallinyarada ku fiican kubadda cagta ee Talent football leh in la soo xulo lagana caawiyo siday uga qayb qaadan la haayeen ciyaarada sanadlaha ee scandenivianka.

  4. In loo sameeyo kulamo guud ee Talo siin dhallinyarada dhigata iskuulada ( rådgiving ) iyagoo loo balaminayo dad ku xeeldheer waxbarashada, gaar ahaan kuwa wax ku bartay wadankaan Norway, dhallinyaraduna ay ku dadaalaan qaybta ay jecel yihiin inay ku shaqeystaan mustaqbalka.

  5. Howshaan waxaa qaban doona Urur ay ka mideysan yihiin Jaaliyadaha kor ku xusan, Magaciisa, Tilmaanta (log ) kulanka dembe ayaa loo balamay.

  6. Gudoomiyaha ururkaan waxaa loo doortay Moss. Ku-xigeynka waxaa loo doortay Fredrikstad. Maamulka dhaqaalaha waxaa loo doortay Sarpsborg. Xoghaynta waxaa loo doortay ururka Hoayo.

  7. Xilku waa 2 sano ama Doorashadu waa 2 dii sanoba mar.

  8. medlemkontingent : 100 kroner qofkiiba sanadkii.

  9. Kulanka dembe : Fredrikstad. 02.11.2019, Saacada reer Fredrikstad ha soo sheegaan.

  10. Jaaliyad kasta , waa inay soo diyaarisaa qofkii xilkaan u qaban lahaa iyo wehelkiisa oo haddi uu shaqo, xanuun, safar iyo iwm uu ku awoodi waayo inuu yimaado kulanka maalintaas.

Wabilaahi Towfiiq iyo wada shaqeyn wanaagsan.

Cabdulqadir Xirsi Xuseen./ Styremedlem Sarpsborg Somaliske Organisasjon.


 
 
 
bottom of page