top of page
Søk

Xaflada Xiritaanka Sanad Dugsiyeedka 2018 ilaa 2019 ee Barashada Quraanka Kariimka iyo Higaada.( SSO

  • sarpsborgsomaliske
  • 22. juni 2019
  • 1 min lesing

Waxaa maanta oo ay taariikhduna tahay 22.06.2019 loo sameeyey xaflada xiritaanka ee sanad dugsiyeedka 2018 ilaa 2019ka ardayda barata Quraanka Kariimka iyo Higaada ee Jaaliyadda Somaalida Sarpsborg. Waxaa xafladaan soo qaban qaabiyey maamulka, macalimiinta iyo waalidiinta ardaydoodu barato Quraanka.

Waxaa macaliminta, maamulka iyo waalidkuba kula dardaarmeen ardayda inaysan hilmaamin quraankii iyo hilaadii ay barteen, iyo weliba inay heli doonaan abaalgudyo kala nooca marka ay soo dadaalaan sanadka dembe iyo weliba in loo soo diyaargaroobo tijaabooyin dembe oo aad loogu tartami doono 1aad, 2aad iyo 3aad.

Maanta waa la isku duceeyey, lagu dardaarmay, lagu dhiibay hadiyado, laguna ballamay soo dadaalid iyo u kala bixid fasaxii xagaaga ee sanadkaan 2019. Waxaa lagu ballamay in la furi doono dugsiga 03.08.2019 Inshaa Allaah. Kheyr Allaha siiyo macalim Sahra waxay sheegtay in waalidkii iyo ardaygii raba inuu wax sii barto inay diyaar ula tahay inta fasaxa lagu maqan yahay.

Wbt. Qoraalka : Cabdulqadir Xirsi Xuseen.


 
 
 

Siste innlegg

Se alle
bottom of page