Salaan iyo Mahadnaq aad iyo u qaaliya.
- sarpsborgsomaliske
- 18. juni 2019
- 1 min lesing

Annagoo ah gudiga fulinta ee Jaaliyadda Somaalida Sarpsborg, waxaan halkaan uga direynaa salaan iyo mahadnaq aad u sareysa dhamaan bulshweynta Somaalida Sarpsborg, waxaan si gaara ugu mahadnaqeynaa dhallinyaradii Wiilasha iyo Gabdhaha lahaa, waalidiintooda, iyo Familadii nagu caawiyey xoogooda iyo waqtigooda soona diyaariyey macmacaanadii kala duwanaa iyo qof kasta oo waqti na siiyeyba.
Waxaan mar kale salaan iyo mahadnaq aan la soo koobi karin halkaan uga direynaa Ubax Cali Faqey oo muddo gaaban ku tababartay dhallinyaradii barxada Sarpsborg wacdaraha ka muujisey iyo weliba fanaankii fadhiga ka kiciyey dadweynihii soo xaadiray dhamaantood.
Waa noo wada Guul.
Gudiga Fulinta ee Jaaliyadda Somaalida Sarpsborg.