Kulankii ugu horeeyey ee Jaaliyadaha Gobolka Østfold ee Fredrikstad, Sarpsborg , Moss iyo Ururka Ho
- sarpsborgsomaliske
- 10. juni 2019
- 1 min lesing
Waxaa galabta oo ay taariikhdu ahayd 10.06.2019 shir guud isugu yimid magaalada Fredrikstad gudiyada jaaliyadaha kor ku xusan iyo ururka Hoayo. Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho iyo xogo isdhaafsi, iyo qabanqaabada maalmaha xorriyada iyo midnimada ee 26ka juun iyo 1d Luulyo ee 1960. Waxaa wabixino ka jeediyey xubnihii ka kala yimid Jaaliyadaha iyo Ururka. Wadatashi iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la ogaansaday arimahaan .
In la sii wado kulamada noocaan oo kale ah.
In la sameysto qalab si wadareed loo wada isticmaali karo.
In dhallinyadarada talentiga leh loo sameeyo barnaamijyo dhiirigelin ah.
In ardayda ka qallin jebisa Jaamacaha loo sameeyo xaflad sharafeed guud.
In la joogteeyo tartamada ciyaaraha ee dhallinyarada yar yar iyo kuwa dhexeba.
In degmo kasta ay hoos ka soo dhisto dhallinyarada ciyaartoyda ah.
In dhallinyarada lagu baraarujiyo waxbarashda loona qabto muxaadarooyin.
In lala tashado bulshoweynta jaaliyadaha siday u wada shaqeyn lahaayeen.
In guddi loo xilsaaro qaban qaabada maalmaha xorriyada iyo midnimada 26ka Juun iyo 1da Luulyo si ay barnaamijkeeda u soo diyaariyaan.
Wixii kale ee ku soo kordha howlahaan kala socda : www. Sarpsborgso.com