
Al- rawdah kultur
senter
Om oss / vår visjon
Sarpsborg Somaliske Organisasjon.
Ururkan wuxuu ku yimid baahi loo qabay, ka dib markii bulshada Somaaliyeed ay ku soo bateen magaaladan. Waxaana ugu horeyn is xilqaamay dhallinyaro rag iyo dumar ka kooban . Bartamaha sanadkii 2007 ayaa la bilaabay howshiisa, waxaana la diiwan geliyey sanadkii 2008.

Sarpsborg Somaliske Organisasjon.
Ujeedooyinka loo asaasay ururkaan , waxaa ka mid ahaa:
a) Diiwaan gelinta bulshada Somaaliyeed ee Magaalada Sarpsborg.
b) Iska warqabka iyo wadajirka bulshoweynta Somaalida Sarpsborg.
c) Wada sameynta xafladaha iidaha iyo xafladaha kalaba.
d) Is dhex galka Somalida iyo umadaha kale ee magaalada Sarpsborg.
Muddo dabadeed, waxay bulshoweyntu dareentay in loo baahan yahay lookale ay iska leeyihiin oo ay ku fushadaan dhamaan howlaha Somaalida khuseeya iyo weliba muslimiinta kale ee magaalada degan sida : waxbaridda caruurtooda, gudashada cibaadada diiniga, shirarkooda gaar ahaaneed iyo ku soo casuumida umadaha kale. Howshaan waxaa mar kale hindisay muxsiniin dhallinyaro oo ka dhabeeyey himiladoodii waxay soo kireeyeen lookale cusub oo lagu bilaabay in bulshweyntu bixiso kirada, kororntada iyo qalabeynta lookalaha. Muddo dabadeed, dhameystirkii soo ururinta xubnaha lookalaha, waxaa lala kaashaday degmada Sarpsborg iyo kan gobolka ee Østfold inay na siiyaan dhaqaalaha lagu caawiyo arrimaha dhanka diinta. Sidaas ayaana ilaa maanta howlihii ururku u socdaan. Inshaa Allah, waxaan rajeyneynaa in aan iibsano goob. Inshaa Alaah.
Sarpsborg Somaliske Organisasjon ble stiftet i 2007 og registrert i 2008 på grunn av motivasjon fra Somaliere samfunnet i Sarpsborg for å bli synlig samfunnet og omegn formålet med organisasjon og der skal være fremme integrering samfunnet . Organisasjons medlemmer består vokser for både men og kvinner, barn og ungdommer for både gutter og jenter. Organisasjonen har eget styret til å drive administrasjon. Organisasjonen har medlemmer som stiger etter hver året.
Vi Sarpsborg Somaliske Organisasjon har målet til å finne Somaliere lokale i Sarpsborg for kriminal forebygging, Radikalisering, integrering med Norsk samfunn, forebygging rasisme og fremmedfrykt gjennom kunnskap og kjennskap til hver andre ulike kultur , snakk sammen og dette lokalet er åpen for flere farger. Dersom dere trenger mer informasjoner kan kontakt med sso styre.
Tuseen takk. Med vennlig hilsen. Styre leder : Ahmed Hussein Hassan.